Ereyga Maanta: fullaacsan
naaxsanaansho  ld naaxsanaan.
naaxuusjebid  ld maamuusjebid.
naayaa  Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
nab1  ld nabyo. nab2  1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³. nabaad  Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.
nabaaddiinaxir1  (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir. nabaaddiinaxir2  Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo. nabaaddiinaxirid  eeg nabaaddiinaxir².
nabaaddiinee  1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
nabaaddiineyn  eeg nabaaddiinee.
nabaaddiineysan  1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
nabaaddiineysnaan  eeg nabaaddiineysan. ld nabaaddiineysnaansho.
nabaaddiineysnaansho  ld nabaaddiineysnaan.
nabaaddiino  1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
nabaadguur1  Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan. nabaadguur2  Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid. nabaadguuri  Dhul nabaadguur ku ridid.
nabaadguurid  eeg nabaadguur².
nabaadguurin  eeg nabaadguuri. ld nabaadguuris.
nabaadguuris  ld nabaadguurin.
nabaal  Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
nabad1  1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan. nabad2  La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin. nabad-jeceyl  (fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.
nabadayn1  Nabadgeliyo. nabadayn2  eeg nabadee. nabadbax1  Samatabax. nabadbax2  Ka n.: Dhibaato ka samatabixid. nabadbixi  Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.
page : 6 of 35
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>