Ereyga Maanta: shirbin
nabadbixid  eeg nabadbax.
nabadbixin  eeg nabadbixi.
nabaddoon  1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
nabadee  Meel nabad ka dhalin.
nabadgal1  Badbaado. nabadgal2  Waxyeello ka badbaadid. nabadgeli  Waxyeello ka badbaadin.
nabadgelid  eeg nabadgal².
nabadgelin  eeg nabadgeli. ld nabadgeliyo.
nabadgelyee  Macsalaamee.
nabadgelyeyn  eeg nabadgelyee.
nabadgelyo  Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
nabadsii  Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
nabadsiin  eeg nabadsii.
nabadsugid  Ciidan ka tirsan ciidammada qalabka sida oo u xilasaaran la socoshada deggenaanta iyo nabadgelyada dalka.
naban1  Timo, ciid iwm la nabay noqosho. naban2  1. Timo, ciid iwm wax la nabay ahaansho. 2. Wax meel ku dheggan ahaansho. nabar1  1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin. nabar2  Cid jug, dhaawaq iwm. gaarsiin. nabar-kul  (daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
nabaraan  Libaax badeed madow oo halis ah. ld neberoon.
nabarrayn  eeg nabarree.
nabarraysan  Wax nabar ku dhacay ahaansho. ld nabaraysan.
nabarraysnaan  eeg nabarraysan. ld nabarraysnaansho, nabaraysnaan, nabaraysnaansho.
nabarraysnaansho  ld nabarraysnaan.
nabarree  Wax nabarro gaarsiin.
nabas  1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.
nabdaad  Cabsi yar darteed hurdo ka kicid; hambabbaar.
nabdaaddi1  Salaan. nabdaaddi2  Cid salaamid; bariidin.
page : 7 of 35
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>