Ereyga Maanta: dabakannaaxid
nabraysnaansho  ld nabarraysnaan.
nabrayso  Jir nafley nabro yeelasho.
nabrid  eeg nabar².
nabsi1  1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay. nabsi2  Nabsi ku reebid. nabsiyid  eeg nabsi².
nabyo  Been iyo fal aanay samayn oo cid lagu sheego. ld nab.
nac1  Colaad uurka la isugu hayo; nacayb. nac2  1. Rabid la'aan. 2. Is n.: quus iyo rajo la'aan. nacaal  1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.
nacab  1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.
nacala-abuugto  Farshiid; dhalo yar.
nacalad1  Caro Eebbe dusha ka saaro cid caasidey. ld lacanad¹, lacnad¹, nacallad¹, nacalle, nacdal¹. nacalad2  1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal². nacaladaysan  1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. ld lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
nacaladee  1. Eebbe cid nacalad ku ridid. 2. Cid xumaan weyn ku tilmaamid; ceebayn. ld lacanadee, lacnadee, nacalladee, nacdalee.
nacaladeyn  eeg nacaladee. ld lacanadeyn, lacnadeyn, nacalladeyn, nacdaleyn.
nacaladeysnaan  eeg nacaladeysan. ld lacanadeysnaan, lacanadeysnaansho, lacnadeysnaan.
nacaladeysnaansho  ld nacaladeysnaan.
nacaladid  eeg nacalad². ld lacanadid, lacnadid, nacalladid, nacdalid.
nacaladoobid  eeg nacaladow. ld lacanadoobid, nacalladoobid.
nacaladow  1. Qof nacaladi ku dhacday noqosho. 2. Qof aad loo ceebeeyey noqosho. ld lacanadow, nacalladow.
nacallad1  ld nacalad¹. nacallad2  ld nacalad². nacalladee  ld nacaladee.
nacalladeyn  ld nacaladeyn.
nacalladeysan  ld nacaladeysan.
nacalladeysnaan  ld nacaladeysnaan.
nacalladeysnaansho  ld nacaladeysnaan.
nacalladid  ld nacaladid.
page : 9 of 35
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>