Ereyga Maanta: jaw
nohnoh2  Wax mataatax noqosho. nohnohid  eeg nohnoh².
nolol  1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
nolol-maalmeed  Dhaqaale qofka baahidiisa ku filan muddo 24 saac ah.
nololey  Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolaan karto, amase, ay nafleydu ku nooshahay.
nololley  Dhammaan Gobolka sare ee dhulka, badda, iyo hawada oo ay ku noolyihiin noolayaal.
nolosha ruuxiga ah  1. Mid la xiriirta ama u dhow nolosha ruuxiga oo ku xiran noocyada ama dano qoto dheer. 2. Waxaan ahayn walxaha oo ah dabeecada ruuxiga.
noobiyad  Dhismo dheer oo nal iftiima oo midabbo kala duwan leh oo xeebaha iyo jasiiradaha lagu dhiso si maraakiibta, doonyaha iwm uga qiyaas qaataan; munaarad.
nooc  Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.
noocayn  eeg noocee. ld noocyeyn, noocyeys.
noocee  Wax noocyo kala duwan ka dhigid. ld noocyee.
noocyee  ld noocee.
noocyeyn  ld noocayn.
noocyeys  ld noocayn.
nood  Lacagta inteeda waraaqda ah. ld noodh.
noodh  ld nood.
noofember  Bisha kow iyo tobnaad ee sannadka miilaadiga ah. ld nofembar.
noog1  Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood. noog2  Hawl darteed tamar yarayn. noogan  Wax noogay ahaansho.
noogid  eeg noog².
noognaan  eeg noogan. ld noognaansho.
noognaansho  ld noognaan.
nooji  Cid wax noogay ka dhigid.
noojin  eeg nooji.
nool  ld nooli.
nool1  Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay. nool2  ld noolaan. nool3  1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tus. “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.” noola-ohis  (baay.) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
page : 31 of 35
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 >