Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
nugul1  Xoolaha aan harraadka u adkeysi badnayn sida lo'da, fardaha iyo idaha. nugul2  Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho. nugushi  Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
nuguur  Dabeecad; akhlaaq.
nuguushi  Xiddigaha nuguushiyaha la yiraahdo (nuguushi cad iyo nuguushi guduudan) oo raqaha ku jira midkood, waxay u dhexeyaan cadaad iyo afagaal; agaalli.
nujub1  1. N. ah: nafley dadku u haystaan in aragtideeda nasiibdarro lagala kulmo; bacow. 2. Duufaan badeed. nujub2  Ku n.: wax aragtidooda nasiibdarro kala kulmid. nujubid  eeg nujub².
nujumi  Cilmiga xiddigaha wax ka sheegid.
nujumin  eeg nujumi.
nukliyootaydh  (baay.) Iskudhis orgaanik ah oo ka samaysmay raybows asiidha foosfoorik iyo naytroojiin.
nuqsaamid  eeg nuqsaan². ld nusqaamid.
nuqsaan1  N. ah: wax aan dhammayn. ld nusqaan¹. nuqsaan2  Wax aan dhammayn noqosho. ld nusqaan². nuqul  Sawir ama koobi laga sameeyo qoraal asal ah.
nur  1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
nus  Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tus. “N. kiilo bariis ah”.
nusqaamid  ld nuqsaamid.
nusqaan1  ld nuqsaan¹. nusqaan2  ld nuqsaan². nuud  (c.nafl.) Liid hilib ah oo isku xira xiniinyaha iyo futada xayawaanka lab.
nuug  1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iwm tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iwm ku soo qaadid.
nuuggan  Neef caano laga nuugay ahaansho.
nuugganaan  eeg nuuggan. ld nuugganaansho.
nuugganaansho  ld nuugganaan.
nuugid1  eeg nuug. ld nuugmo. nuugid2  (c.nafl.) Nuugidda soohyadu nuugaan biyaha iyo walaxda kale ee jirku u bahanyahay. Cunnada nafaqadeeda waxa laga nuugaa xubnaha dheefshiidka waxayna raacdaa dhiigga iyo liinfada. nuugitaannimo  (fiis.) Sumad . (Syn. la micnotahay isirka nuugidda). Cabbirka kartida walaxi ay ku nuugto kaah, waana saamiga kaaha ama burqad iftiimeedka la nuugay iyo kaaha ama burqad iftiimeedka abbaaraa.
nuugmo  ld nuugid.
nuuji  Ilmo naas jaqsiin.
page : 33 of 35
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 >