Ereyga Maanta: biqil
oodjiid2  1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin. oodjiidid  eeg oodjiid².
oodkac1  Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad. oodkac2  Hilib muqmad ka dhigid. oodkacan  Wax oodkac laga dhigay ahaansho (hilib).
oodkacasho  eeg oodkaco.
oodkacnaan  eeg oodkacan. ld oodkacnaansho.
oodkacnaansho  ld oodkacnaan.
oodkaco  Hilib oodkac ka dhigasho.
oodkicid  eeg oodkac².
oodmid  eeg oodan³.
oodnaan  eeg oodan4. ld oodnaansho.
oodnaansho  ld oodnaan.
oodo  Xero iwm ood ku wareegsasho.
oodqaad1  ld geedqaad¹. oodqaad2  ld geedqaad². oodqaadid  ld geedqaadid.
oodrogasho  eeg oodrogo. ld oodgeddisasho.
oodrogo  Meel degalowday meel u dhow uga guurid. ld oodgeddiso.
oof  1. Saableyda dadka labadeeda dhinac midkood. 2. Xanuun daran oo saableyda ku dhaca.
oofasho  eeg oofo.
oofato  Dad yar oo hubeysan oo wax dhaca, waxna laaya.
oofayn  eeg oofee.
oofaysan  Qof oofi hayso ahaansho.
oofaysnaan  eeg oofaysan. ld
oofaysnaansho oofaysnaansho  ld oofaysnaan.
oofee  Cid oof ku ridid.
oofi  Ballan, arrin iwm fulin.
oofin  eeg oofi.
oofo  Wax rimid u baahan noqosho (sac).
page : 5 of 10
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 >