Ereyga Maanta: fullaacsan
qaaliyeyn  eeg qaaliyee. ld qaaleyn.
qaaliyoobid  eeg qaaliyow. ld qaaloobid.
qaaliyow  Wax qaali noqosho. ld qaalow.
qaalli  Garsoore diinta Islaamka wax ku xukuma. ld qaaddi.
qaalmaqooqshe  Caws jilicsan oo dhirta hoosteeda ka baxa oo geelu aad u jecelyahay.
qaalmarrogad  Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. ld qaalmarrogasho.
qaalmarrogasho  eeg qaalmarrogo. ld qaalaamarrogad, qaalaamarrogasho, qaalmarrogad.
qaalmarrogo  Qaalmarrogad samayn. ld qaalaamarrogo.
qaalmooti  Neef irmaan oo caano yareeyey ahaansho.
qaalmootin  eeg qaalmooti. ld qaalmootis.
qaalmootis  ld qaalmootin.
qaaloobid  ld qaaliyoobid.
qaalow  ld qaaliyow.
qaambax  ld qaanbax.
qaambixid  ld qaanbixid.
qaamee  Cid qaan gelin.
qaameyn  eeg qaamee.
qaameysan  Qof qaan galay ahaansho.
qaameysnaan  eeg qaameysan. ld qaameysnaansho.
qaameysnaansho  ld qaameysnaan.
qaamid  eeg qaan³.
qaamoobid  eeg qaamow.
qaamow  Qof qaan galay noqosho.
qaamowqanshiir1  Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi. qaamowqanshiir2  (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa. qaamuus  Buug lagu ururiyey ereyo badan oo af leeyahay oo isugu xiga sida alifka u kala horreeyo, eray walbana ay ku hor qoranyihiin macnihiisa, qaabkiisa iwm.
Qaamuuska  eeg Qaamuus.
qaan1  1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l), Meesha dhuuban ee daanka. qaan2  Hanti, dhiig iwm oo cid lagu yeesho. qaan3  Is q.: xil is qaadid (qof).
page : 5 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>