Ereyga Maanta: fullaacsan
qaanbax  Deyn cid lagu lahaa bixin. ld qaambax.
qaandhaw1  1. ld qaandhebid, qandhow 1. Bixinta qaan laysku lahaa layska baxsho. 2. Kabarray. qaandhaw2  U q.: qaan laysku lahaa bixin. ld qaandhow². qaandhebid  eeg qaandhaw². ld qaandhaw¹, qandhow.
qaandhow1  ld qaandhaw¹, qaandhebid. qaandhow2  ld qaandhaw². qaangaar1  Qof gaaray da'dii shan iyo tobnaad. qaangaar2  Qof 15 sano gaarid. qaangaarid  eeg qaangaar².
qaangal  Dhigashada waajibka oo qaacelin ah. ld qaangelid.
qaangelid  ld qaangal.
qaanqaami  Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.
qaanqaamin  eeg qaanqaami.
qaanqaanni  In yar oo malab-sureed ah. ld qaqaan.
qaansaley  Colka intiisa qaansada ku dagaalanta. ld qaansoley.
qaansaqumiye  Qalab qaansada lagu xiro si ay u yeelato qaabka la rabo.
qaansarroobaad1  Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan. qaansarroobaad2  (fiis.) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka. qaansheeg  (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
qaansheegte  Qof qaansheeg soo qortay.
qaanso1  1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: (). qaanso2  (xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah. qaansoley  ld qaansaley.
qaansoole  (bot.) Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.
qaanuun  1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.
qaaq  Erey tilmaama qaylo ama ci.
qaaqami  Wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.
qaaqamid  eeg qaaqan.
qaaqamin  eeg qaaqami. ld qaaqamis.
qaaqamis  ld qaaqamin.
page : 6 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>