Ereyga Maanta: liifmid
qaarsanaan  eeg qaarsan. ld qaarsanaansho.
qaarsanaansho  ld qaarsanaan.
qaarxabaal1  1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo. qaarxabaal2  Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid. qaarxabaalid  eeg qaarxabaal².
qaash  1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.
qaashaaran  Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
qaashaarasho  eeg qaashaaro.
qaashaaro  Hawl isu diyaarin.
qaate  (kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.
qaatil  Qof dilaa ah.
qaatime  Orod gaar ah oo ay farduhu sameeyaan marka ay durdurinayaan.
qaatimee  Faras si qaatimo ah u ordid.
qaatimeyn  eeg qaatimee.
qaatin  Mugga shey leeyahay.
qaawan  1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.
qaawanaan  eeg qaawan. ld qaawanaansho.
qaawanaansho  qaawanow. ld qaawanaan.
qaawanow  Qof qaawan noqosho.
qaawi  1. Qof dhar ka furid. 2. Dhismo, dedka kore ka qaadid.
qaawin  eeg qaawi.
qaawisasho  eeg qaawiso.
qaawiso  Qof qaawan ka dhigasho.
qaaxayn  eeg qaaxee.
qaaxee  Nafley qaaxo ku ridid.
qaaxo1  1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab. qaaxo2  (c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda. qaaye  Qiimo; waxtar.
qaayib1  ld qaayibid. qaayib2  1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.
page : 8 of 86
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>