Ereyga Maanta: biqil
qaayibid  eeg qaayib. ld qaayib¹.
qaayimo  1. Qiimaha iyo kharashka uu ku fadhiyo wax iib u yaal. 2. Liis muujinaaya qiimaha badeeco la gadaayo.
qab1  1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg. qab2  1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda. qab3  1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan. qabaal1  1. Weel xoldhan oo geed jirriddii laga qoro oo xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo. 2. Weel gudihiisa dadku ku mayrto iyo mid dharka lagu dhax meyro. qabaal2  (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg u dhexeeya oo iyol (oleli). Tubta bar socota sallax oo wadarta fogaanta ay u jirtaa laba barood oo maguuran ah ay tahay madoorsoome. Labada barood ee maguuraanka waxa la yiraahdaa kulmisyo. qabaanqab1  Ci'iyo socsocod badan oo ay riyuhu sameeyaan marka ay waayaan arigii ay ku jireen. ld qawqab¹. qabaanqab2  Jaadadka carsaanyada nooc ka mid ah. qabaanqab3  Ri'arigii ay ku jirtay ka luntay ama laga saaray ci'badan iyo dhaqdhaqaaq sameyn. ld qawqab². qabaanqabid  eeg qabaanqab³. ld qawqabid.
qabad  1. Orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha. 2. ld qabasho.
qabadnimo  Qabad ahaansho.
qabadsii  1. Wax, wax kale ku dhejin. 2. Cid wax xafidsiin. 3. Wax, wax kale ku dirid. 4. Cudur isku daarasho.
qabadsiin  eeg qabadsii.
qabalax  Qof laf weyn leh godan oo aan hilib badan lahayn. ld qablax.
qabalaxsan  Wax qablax ah ahaansho (qof). ld qablaxsan.
qabalaxsanaan  eeg qabalaxsan. ld qabalaxsanaansho, qablaxsanaan, qablaxsanaansho.
qabalaxsanaansho  ld qabalaxsanaan.
qaballuus  Qof qaangaar ah oo garmaqaatenimo iyo nacasnimo isku darsaday.
qaballuusnimo  Qaballuus ahaansho.
qabandhaco  Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.
qabandhacoo  Qabandhaco dareemid.
qabandhacood  eeg qabandhacoo.
qabanqaabi  Wax la fulin lahaa isku dubbaridid.
qabanqaabin  eeg qabanqaabi.
qabanqaabo  Isku dubba rididda hawl la rabo in la qabto.
qabasho  eeg qabo². ld qabad, qabatin² (5).
qabatimid  eeg qabatin³. ld qabatin² (3).
qabatin1  (c.nafl.) Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa.
page : 9 of 86
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>