Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
qurunsasho  eeg qurunso.
qurunso  1. Dugaagga qaar ka mid ah hilib qurun ka dhigasho. 2. Wax qarsasho.
qururumsad  ld qurdudumsasho.
qururumsasho  ld qurdudumsasho, qurjujubsasho.
qururumsi  ld qurdudumsasho, qurjujubsad.
qururumso  ld qurdudumso.
qurus  ld qursi.
quruun  Dadyow isku qarni noolaa.
quruurux  Dhagax yaryar.
quruurux-bataax  (jool.) Dhadhaab-lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).
quruuruxi  1. Si isdabajoog ah u hadlid. 2. Quruurux wax ku xisaabid.
quruuruxin  eeg quruuruxi. ld quruuruxis.
quruuruxis  ld quruuruxin.
quruush  eeg qarshi.
qurux  Muuqaal ishu u bogto; bilic.
qurux-u-bogid  1. Waxay la xiriirtaa qiimeyn qurux iyo fan qurux u bogid. 2. (fals.) Qeyb ka mid ah barashada falasafada ee ku saabsan quruxda.
quruxsami  1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. ld quruxsanaan.
quruxsan  Wax qurux leh ahaansho. ld qurxan, qurxoon.
quruxsanaan  eeg quruxsan. ld quruxsami (2), quruxsanaansho; qurxanaan, qurxanaa.
quruxsanaansho  ld quruxsanaan.
quruxsasho  eeg quruxso.
quruxso  Wax qurux u yeelasho.
qurwaa  Nafley naf bixid.
qurwaayid  eeg qurwaa.
qurxan  ld quruxsan.
qurxanaan  ld quruxsanaan.
qurxanaansho  ld quruxsanaan.
qurxi  Wax qurux u yeelid.
qurxin  eeg qurxi.
qurxoon  ld quruxsan.
page : 83 of 86
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 >