Ereyga Maanta: gur
quuddarrayn  eeg quuddarree.
quuddarree  Wax helitaankooda rajo ka qabid.
quuddarro  Rajo; yididdiilo.
quudi  Nafley cunto siin.
quudin  eeg quudi. ld quudis.
quudis  ld quudin.
quudo  Nafley cunto cunid.
quudowsasho  eeg quudowso. ld quudowsi.
quudowsi  ld quudowsasho.
quudowso  Wax iimaansasho.
quudquuto  ld qudunquuto.
quudsasho  eeg quudso. ld quudsi.
quudsi  ld quudsasho.
quudso  Nafley cunto siisasho.
quulle  Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iwm.
quun-saneed  (c.nafl.) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
quuqlayn  eeg quuqlee.
quuqle  Qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla.
quuqlee  Hadal aan macne lahayn ku hadlid.
quur1  1. Qiimaha iyo sharafta wax leeyihiin ama ku haboon yihiin ama ay istaahilaan oo loo diido. 2. Wax aan qiimo lahayn ama muquuno ah. quur2  Wax bixintooda hurid. quurid  eeg quur². ld quuris.
quuris  ld quurid.
quuriwaa  1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho.
quuriwaayid  eeg quuriwaa.
quursad  ld quursasho.
quursasho  eeg quurso. ld quursad, quursi.
quursi  ld quursasho.
quurso  1. Qof xaqirid; yasid. 2. Wax saluugid.
quuruwalle  Xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca.
page : 85 of 86
<< < 80 81 82 83 84 85 86 >