Ereyga Maanta: biqil
quus1  ld quusid. quus2  Ka rajo dhigidda laga rajo dhigo wax la sugayey ama la waayey. quus3  Biyo hoos u gelid; muquurid. quusad  ld quusasho.
quusasho  eeg quuso. ld quusad.
quuse  Qof biyaha inta quusa muddo badan ku jiri kara.
quusi  1. Nafley biyo hoos u gelin. 2. Cid rajo la'aan dhigid.
quusid  eeg quus³. ld quus¹.
quuso  Wax ka samrid.
quutaquute  ld qudunquuto.
quutaquuto  ld qudunquuto.
quwaax  Laan, xidid ama jirrid jilicsan oo leh dhacaan macaan oo la mashiiqsan karo.
quwaaxsasho  eeg quwaaxso.
quwaaxso  1. Quwaax raadsasho. 2. Dhacaan quwaax mashiiqsasho.
quwad  ld quwo.
quwee  Wax quwad u yeelid.
quweyn  eeg quwee.
quweysan  Wax awood yeeshay ahaansho.
quweysasho  eeg quweyso.
quweysnaan  eeg quweysan. ld quweysnaansho.
quweysnaansho  ld quweysnaan.
quweyso  Wax xoog ama awood yeelasho.
quwo  Xoog; itaal; tabar. ld quwad.
quwoobid  eeg quwow.
quwow  Quwo helid.
quxuub1  1. Q. ah: oday gaboobay. 2. Rati gaboobay. quxuub2  1. Q. ah: habar gabowday. 2. Q. ah: hal gabowday. quxuubnimo  Quxuub ahaansho.
page : 86 of 86
<< < 81 82 83 84 85 86