Ereyga Maanta: dabakannaaxid
qabatin2  1. Xanuun mar mar dadka qabta; eyddin; nabar. 2. Tabta awrku wax u qabto. 3. ld qabatimid. Wax loo barto, la qaayibo. 4. Wax sameyntooda loo bartay. 5. ld qabasho. qabatin3  (imay, -intay; -imi) Meel nolosheeda u barasho. qabato  Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.
qabatoomid  eeg qabatoon².
qabatoon1  1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda. qabatoon2  1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda dareemid. 2. Cunto iyo cabbid muddo dheer laga raagay darteed dhibaato badan dareemid. qabax  Dhigaha waaweyn ee aqalka miyiga.
qabay  Weelka qabada laga sameeyo.
qabayaro  Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhacaan cad oo caanaha u eg oo haddii ay dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qabbaan1  1. Qof qof kale u adeega; midiidin. 2. Miisaan weyn oo waxyaabaha culus lagu miisaamo. qabbaan2  Qof qof kale u adeega, midiidin (naag). qabbaan3  U q.: cid u adeegid. qabbaanid  eeg qabbaan³.
qabbaansad  ld qabaansasho.
qabbaansasho  eeg qabbaanso. ld qabbaansad, qabbaansi.
qabbaansi  ld qabbaansasho.
qabbaanso  Cid qabbaan ka dhigasho.
qabbil  Yeelid; maqlid; oggolaan; aqbalid.
qabbilid  eeg qabbil.
qabbir1  Isu dhoweynta lugaha awr la dabrayo aad la isugu dhaweeyo. ld qabbirid. qabbir2  Rati dabar si aad ah ugu dhuujin si uusan u fogaan. qabbiran  Rati wax la qabbiray ahaansho.
qabbirasho  eeg qabbiro.
qabbirid  eeg qabbir². ld qabbir¹.
qabbirnaan  eeg qabbiran. ld qabbirnaansho.
qabbirnaansho  ld qabbirnaan.
qabbiro  Awr si qabbir ah u xirasho.
qabco  ld abqo.
qabdhan  Marka xooluhu biyo aysan ka dhergin cabbaan.
qabee  ld qubee.
page : 10 of 86
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>