Ereyga Maanta: maneysi
r  (ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.
ra'iisalwasaare   (siyaa.) Qof madaxa u ah golaha wasiirrada ee dawladeed.
ra'iisle  Ninka timaha madaxa dadka gaagaabiya ama qurxiya. ld rayiisle.
ra'li  ld ra'yi.
ra'libixi   ld ra'yibixi.
ra'libixin  ld ra'yibixin.
ra'liyayn  ld ra'yiyayn.
ra'liyee   ld ra'yiyee.
ra'yi  (aaraa', m.dh) Figradda qof leeyahay ee uu ku cabbiro ujeeddooyin-kiisa. ld ra'li.
ra'yibixi   Ka r.: arrin figrad ka dhiibasho. ld ra'libixi.
ra'yibixin  eeg ra'yibixi. ld ra'libixin.
ra'yiyayn  eeg ra'yiyee. ld ra'liyayn.
ra'yiyee   1. (f.g) Arrin mala-awaalid. 2. (f.mg) U r.: cid talo fiican siin. ld ra'liyee.
ra'yulcaam  Figrad dadka intiisa badani isku raacsantahay.
raab  Qayb.
raabac1  Qof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran. raabac2  Kaalin ciyaar turub oo maran buuxin. raabacad  Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
raabacid  eeg raabac(2)
raabakh1  Qalab aad u gaboobay. raabakh2  Qalab, wax aad u gaboobay noqosho. raabakhid  eeg raabakh².
raabakhsan  Wax raabakhay ahaansho (qalab).
raabakhsanaan  eeg raabakhsan. ld raabakhsanaansho.
raabakhsanaansho  ld raabakh-sanaan.
raabaraabe  Laba kooxood ama wax ka badan oo kala dandambeeya isku jihana u socda; kooxkoox. ld raaberaabe.
raaberaabe  ld raabaraabe.
raabiya  (daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.
raabsasho  eeg raabso. ld raabsi, raamsasho, raamsi.
raabsi  ld raabsasho.
page : 1 of 40
1 2 3 4 5 6 > >>