Ereyga Maanta: tartabo
ruji   1. Geed dhulka xoog uga fujin. 2. Ku r.: cid nabar xoog ugu dhufasho.
rujin  eeg ruji. ld rujis.
rujis  ld rujin.
rujub   Maroodi lab oo hanaqaad ah oo ka takooran raxantiisa.
rukni   1. Tiirarka diinta Islaamka mid ka mid ah. 2.Tiirarka guriga uu ku taaganyahay mid ka mid ah. 3. Tiirarka salaadda mid ka mid ah. ld rugni, rukun¹ (3).
rukumad  ld rukumasho.
rukuman   1. Wax si joogto ah loo helo ahaansho. 2. Ku r.: tiir iwm wax meel ku dhaaban ahaansho.
rukumasho  eeg rukumo. ld ruku-mad.
rukumid  eeg rukun².
rukumnaan  eeg rukuman. ld rukum-naansho.
rukumnaansho  ld rukumnaan.
rukumo   Qof wax rukun ka dhigasho.
rukun1   1. Cid si joogta ah badeeco u qaadata ama ku keenta. 2. Badeeco si joogta ah loo qaato ama loo geeyo. 3. ld rukni (2). Tiir. rukun2   U r.: cid si joogto ah wax u siin. rukuuc1   Jilbo-qabsashada uu qof tukanayaa sameeyo isaga oo foorarsanaya. ld rakuuc¹. rukuuc2   Qof tukanaya jilbo-qabsasho isaga oo foorarsanaya. ld rakuuc². rukuucid  eeg rukuuc². ld rakuucid.
rukuucsan   Rukuucay ahaansho (qof). ld rakuucsan.
rukuucsanaan  eeg rukuucsan. ld rakuucsanaan, rakuucsanaansho, ru-kuucsanaansho.
rukuucsanaansho  ld rukuucsanaan.
rumayn  eeg rumee.
rumaysad  ld rumaysasho.
rumaysan   Qof wax aaminsan ahaansho.
rumaysasho  eeg rumayso. ld rumay-sad, rumaysi.
rumaysi  ld rumaysasho.
rumaysnaan  eeg rumaysan. ld ru-maysnaansho.
rumaysnaansho  ld rumaysnaan.
rumayso   Wax jiritaan-kooda dhab u qaadasho.
rumee   1. Wax run ka dhigid. 2. Wax run u qaadasho.
rumeynta Anarjism  (siyaa.) Siyaasadda aaminsan dhamaan awood iyo sharciyada dawladaha ama ururrada in lagu beddelo dadka ama kooxo u wada shaqeynaya si xor ah.
page : 36 of 40
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >