Ereyga Maanta: marjiid
rushayso   Qof meel biyo ku bilbilasho.
rushee   Dhul biyo si habaysan ugu bilbilid.
ruub1  1. Bir yar, dhuuban, daab leh oo saanta kabaha laga tolo lagu dalooliyo. 2. Dhul bacaad badan oo marka lagu socdo cagta hoos u gasha. ruub2   Wax meel bacaad, dambas iwm dhexgelin. ld ruubi. ruubad  ld ruubasho.
ruubasho  eeg ruubo. ld ruubad.
ruubi   ld ruub².
ruubid  eeg ruub². ld ruubin, ruubis.
ruubin  ld ruubid.
ruubis  ld ruubid.
ruubo   Ciid jilicsan iwm dhexgelid, ku dhex librid.
ruud  Qoryo waaweyn oo dogobta laga jeexjeexo dabkana lagu shito.
ruug1   1. Meesha ay iska galaan bowdada iyo dhudhunka; jilib; low. 2. Madaxa kuusan ee laba lafood iska galaan. ruug2   1. Wax adag calaalin. 2. Arrin si wanaagsan uga baaraandegid. ruugaami   Jaan iyo jiib cayaar la raacid.
ruugaamin  eeg ruugaami. ld ruu-gaamis.
ruugaamis  ld ruugaamin.
ruugaan  Habka jiib, jaan iyo sacab isku dubbadhacsani u dhadhammaan.
ruugan   Wax la ruugay ahaansho.
ruugcadde   Nin da'weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.
ruugid  eeg ruug².
ruugmaraar   Oday xooggan.
ruugnaan  eeg ruugan. ld rug-naansho.
ruugnaansho  ld ruugnaan.
ruum  Nooc khamrada ka mid ah oo aalkolku ku badan yahay.
ruumi  Nooc gogosha guryaha dhulkooda lagu fidsado ka mid ah oo qurxan, adag oo dhogor leh.
ruun   Meel degaan ku habboon.
ruunbax  Cagaar badan oo ku yaal meel la degi jiray.
ruuq   Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
ruuqaansad  ld ruqaansasho.
page : 39 of 40
<< < 34 35 36 37 38 39 40 >