Ereyga Maanta: hiilley
ruuqaansasho  ld ruqaansasho.
ruuqaansi  ld ruqaansasho.
ruuqaanso   ld ruqaanso.
ruuqid  eeg ruuq.
ruur  R. ah: dad, alaab iwm oo da'weyn gaaray.
ruuri   Wax gaboobay xannaaneyn.
ruurin  eeg ruuri.
ruus  R. ah: fadhiid.
Ruushka  Wadanka Ruushka (Af-Ruush: Россия, Af-Ingiriis: Russia) waa wadanka ugu weyn aduunka, waxoona ku yaalaa qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Caasimadiisu waa Moskow (Moscow)
ruux  1. Naf. 2. Qof.
ruuxaan  ld rooxaan.
ruuxgoo   Nafley nafta ka qaadid.
ruuxgoyn  eeg ruuxgoo.
ruuxi1  Waxyaalaha qarsoon ee dadku aaminsan yihiin jiritaankooda. ruuxi2   Nafley dhimanaysa naf ka dhawrid. ruuxin  eeg ruuxi².
rux   1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.
ruxad  ld ruxasho.
ruxan1   Wax la ruxay noqosho (laan geed, haan caano ku jiraan iwm). ld ruxmo. ruxan2   Haan caano ku jiraan wax la ruxay ahaansho. ruxasho  eeg ruxo. ld ruxad.
ruxid  eeg rux.
ruxmasho  eeg ruxmo.
ruxmid  eeg ruxan¹. ld ruxmasho.
ruxmo   ld ruxan¹.
ruxnaan  eeg ruxan². ld ruxnaansho.
ruxnaansho  ld ruxnaan.
ruxo   1. (f.g) Qof, wax hilasho. 2. (f.g) Qof, haan caano ku lulasho. 3. (f.mg) Wax iskood u lulasho ama gilgilasho.
page : 40 of 40
<< < 35 36 37 38 39 40