Ereyga Maanta: liifmid
rabbaysmid  eeg rabbaysan¹.
rabbaysnaan  eeg rabbaysan². ld rabbaysnaansho.
rabbaysnaansho  ld rabbaysnaan.
rabbayso  1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.
rabbee  1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.
rabbee1  Geel wax ku tumasho. Rabbi  Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
rabbituug  Baryo Eebbe wax lagu weyddiisto.
rabbuus  Caajis nafsaani ah oo dadka ku dhaco.
rabi  Bir la tumay soofeyn.
rabid  eeg rab³. ld rabitin.
rabiish  Libaax-badeed uurjiif ah oo hilibkiisu nafaqo badan leeyahay.
rabin  eeg rabi.
rabitin  Jeclaansho wax niyadda laga doono. ld rabid.
rablayn  eeg rablee. ld rable (1).
rable  1. ld rablayn. Bood-boodidda nafleydu samayso iyada oo hadba meel kale tageysa. 2. Tidic waaweyn oo timaha haweenka lagu sameeyo.
rablee  1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn.
rableysad  ld rableysasho.
rableysan   Wax la rableeyay ahaansho (timo haween).
rableysasho  eeg rableyso. ld rabley-sad.
rableysnaan  eeg rableysan. ld ra-bleysnaansho.
rableysnaansho  ld rableysnaan.
rableyso   Gabar timo si rable ah u samaysasho.
raboo   ld rab³.
rabood  eeg raboo. ld rabid.
raboosh1  R. ah: nafley koritaanka ka xumaaday. raboosh2   Nafley koritaan ku hagaasid. rabooshid  eeg raboosh².
rabrab  1. ld rarrab (2). 2. Orod boodbood ku jiro oo xoolaha iyo ugaartu sameeyaan.
rabrablee   Rabrab u ordid (nafley).
page : 9 of 40
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>