Ereyga Maanta: olmon
raabso  1. Xoolo wax calalin; baryaqaadid. 2. Dad wax calalin. ld raamso.
raac  1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid.
raacasho  eeg raaco.
raacatannimo  Raacato ahaansho.
raacato  Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.
raacdarreeb  Dad gadaal ka daafacaya col wax dhacay ama wax dilay; Geeddan.
raacdayn  eeg raacdee.
raacdaysasho  eeg raacdayso. ld raacdaysi.
raacdaysi  ld raacdaysasho.
raacdayso  1. Nafley cayrsasho. 2. Wax raadsasho.
raacdee  1. Nafley daba ordid. 2. Xoolo lumay raadin. 3. Nafley meel ka cayrin.
raacdo1  1. Ciidan laga daba diro ciidan wax laayay ama dhacay. raacdo2  Qof wax lumay raadintooda ku hawlan. raaci  1. Wax socda wax kale ku darid. 2. Xoolo cid ilaalisa u yeelid. 3. Habaar ama duco cid ku larid. ld raacsii.
raacid  eeg raac.
raacin  eeg raaci. ld raacis, raacsiin.
raacis  ld raacin.
raaciyad  ld raaciye.
raaciye  1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad.
raaco  1. Qof hantidiisa ama dantiisa daryeelasho. 2. Qof cilmi diineed barasho.
raacsan  1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho.
raacsanaan  eeg raacsan. ld raacsa-naansho.
raacsanaansho  ld raacsanaan.
raacsii  ld raaci.
raacsiin  ld raacin.
raad  1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.
raad-guri-cagaar  (c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
raadaar  ld raadar.
raadar  (fiis.) Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib mar-kii ay abbaareen walaxda socotay.
raadgad  U r.: wax raadkooda baabi'in.
page : 2 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>