Ereyga Maanta: tartabo
raadgadasho  eeg raadgado.
raadgadid  eeg raadgad.
raadgado  Cid si aan raadkeeda loo arkin u socosho.
raadgamid  ld raadqaadid.
raadgan  ld raadqaad.
raadgoo  1. Raad-gooyo samayn. 2. Wax cirib tirid.
raadgoob1  Baarid la sameeyo si loo helo waxa maqani meesha uu maray. ld raad-goobid. raadgoob2  1. Waxa maqan meesha uu maray baarid. 2. Wax maqan doonid. raadgoobid  eeg raadgoob². ld raadgoob¹.
raadgooyn  eeg raadgoo.
raadgooyo  Hab loo raadiyo xoolaha dhuma ama wixii kaloo la raadinayo.
raadgur1  1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo. raadgur2  1. Wax maqan meesha uu maray doonid. 2. Tuug si uu u soo celiyo wixii uu qaaday sixrid. raadgurid  eeg raadgur². ld raadgur¹ (1,2).
raadguur1  Cirib go'idda wax jiri jiray ay cirib go'aan. raadguur2  Wax jiritaan-kiisa tirtirmid. raadguurid  eeg raadguur².
raadi  1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.
raadin  eeg raadi. ld raadis.
Raadineyso  1. Wax rabid. 2. Wax raadin.
raadis  ld raadin.
raadiye  1. Qalab elek-taroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. ld raadi-yow.
raadiyografi  (daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
raadiyoom  (kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
raadiyow  ld raadiye.
raadka dobler  (fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.
raadka footoodanabeed  (fiis.) Bixinta elektaroonno ee dusha biraha, marka lagu kaahiyo hirarka, birlabdanabeedka. Tirada elektaroonnada ee baxay waxa ay ku xiranyihiin itaalka kaaha.
raadqaad1  1. Wax la raadinayo oo raadkooda la dabaggalo. 2. Sixir. raadqaad2  1. Raad baarid, raadraacid. 2. Qof sixirid si uu meesha uu ku nool yahay uga cararo. ld raadgan. raadqaadan  Wax sixran ahaansho.
page : 3 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>