Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
saaxiib3  La s.: cid xiriir gacaltooyo la yeelasho. saaxiibad  Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.
saaxiibid  eeg saaxiib³.
saaxiibnimo  Saaxiib ahaansho. ld saaxiibtinnimo.
saaxiibtinnimo  ld saaxiibnimo.
saaxil  Xeeb.
saaxir  Nin sixirka yaqaan.
saaxirad  Naag sixirka taqaan.
saaxirnimo  Saaxir ahaansho.
saayaq  Nin qalinka, dahabka iwm ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
saayid1  S. ah: wax dheeraad ah. ld saa'id¹. saayid2  Wax kordhid. ld saa'id². saayidcalayn  eeg saayidcalee. ld saa'idcalayn.
saayidcalee  Ka s.: cid ka gacan sarreyn. ld saa'idcalee.
saayidi  Wax tiradooda kordhin. ld saa'idi.
saayidid  eeg saayid². ld saa'idid.
saayidin  eeg saayidi. ld saa'idin.
saayir1  Dhaqaalayn; turaal gaar ah oo laysu galo. saayir2  Cid macaamil wanaagsan oo wax isdhaafsi leh la yeelasho. 2. La s.: cid xiriir wanaagsan la yeelasho. saayiraad  1. Macaamil wanaagsan, wax isdhaafsi leh oo cid dhexmara. 2. ld saayirid.
saayirid  eeg saayir². ld saayiraad.
saaykoolojiyadda  (daaw.) Barasho cilmiyeed oo kusaabsan dhimirka (maan-ka) bani-adaamka iyo qaabka dabeecada dadka.
sab1  1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad. sab2  Carruur, haween iwm wax ku raalli gelin. sabaad  Dhaashi udgoon oo timaha la marsado oo laga sameeyo dhacaan ka yimaad qanjirrada mukulaal sabaadda.
sabaal  Raalligelinta nafley wax lagu raalligeliyo.
sabaali  Wax sasabid.
sabaalin  eeg sabaali.
sabaan  Waqti; waa; jeer. ld samaan¹.
sabaayad  Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
page : 8 of 118
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>