Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
sabab1  Wax dhacay waxa keenay. sabab2  Wax dhaciddooda mas'uul ka noqosho. sababid  eeg sabab².
sabad  Agagaarka guriga, xerada iwm.
sabansabdho  1. Geed weyn, xoog badan oo wax lagu dhiso. 2. Wax yar oo nafley lagu sasabo sandareerto.
sabar1  1. Dulqaad. 2. (-rro, m.dh) Jirka dadka, qaarka sare iyo qaarka dambe inta u dhexeysa; moxog. 3.(-rro, m.dh) Buur salkeed. ld sabbur¹, sabir (2), samir¹. sabar2  1. Wax u dulqaadasho. 2. Ka s.: wax ka quusasho. ld sabbur², samar², samir². sabarad  Tib bir ah oo dhinac fiiqan leh oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo.
sabarsii  ld samirsii.
sabarsiin  ld samirsiin.
sabarsiis  ld samirsiin.
sabasho  eeg sabo².
sabatabbax1  ld samatabbax¹. sabatabbax2  ld samatabbax². sabatabbixi  ld samatabbixi.
sabatabbixid  ld samatabbixid.
sabatabbixin  ld samatabbixin.
sabbaad  Kasoobax halis ah.
sabbaar1  Hadiyad qof axsaan laga filayo la siiyo. sabbaar2  Cid ixsaan laga sugaayo hadiyad siin. sabbaarid  eeg sabbaar².
sabbaax  1. Ciid cad oo nadiif ah oo xeebaha badda laga helo. 2. S. ah: qof araggiisa la karahsado.
sabbaaxad  S. ah: naag araggeeda laga naxo oo la karahsado.
sabbac  ld sambac.
sabbakh1  Asal dharka lagu midabeeyo. sabbakh2  Dhar midab u yeelid. sabbakhan  Dhar wax midab loo yeelay ahaansho.
sabbakhid  eeg sabbakh².
sabbakhnaan  eeg sabbakhan. ld sab-bakhnaansho.
sabbakhnaansho  ld sabbakhnaan.
page : 9 of 118
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>