Ereyga Maanta: dabakannaaxid
sabbata  ld sabbato.
sabbatee  Cayaar turub hal mar wada helid.
sabbateyn  eeg sabbatee.
sabbato  Turub la ciyaaro oo qof hal mar wada helo.
sabbayn  eeg sabbee. ld sabbays.
sabbays  ld sabbayn.
sabbee  Biyo, hawo iwm dul heehaabid.
sabbur1  ld sabar¹, samir¹. sabbur2  ld sabar², samir². sabburid  ld sabrid.
sabbuux  Sanadka islaamka bishiisa toddoobaad; rajab.
sabci  Sacabbo isla dhicid. ld sacbi.
sabcin  eeg sabci. ld sabcis, sacbin, sacbis.
sabcis  ld sabcin.
sabeen  Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan. ld subeen.
sabeenxir1  Raali gelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo. ld subeenxir¹. sabeenxir2  Qof lagu sameeyey gef raali gelin. ld subeenxir². sabeenxirid  eeg sabeenxir². ld su-beenxirid.
saben  ld saman.
sabid  eeg sab².
sabiib  Miro canab oo la qallajiyey. ld sibiib.
sabiil  Xubinta taranka ee xoolaha dheddig. ld samiil.
sabir  1. Xanuunka iyo dhibaatada oo loo adkaysto; samir. 2. ld sabar¹.
sabo1  1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad. sabo2  (juqr.) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iwm. sabo3  1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iwm agagaarkooda tuurid (xoolo). sabool1  S. ah: qof aad u xoolo yar. sabool2  Qof sabool noqosho. ld saboolow. saboolid  eeg sabool². ld sabooloobid.
saboolnimo  Sabool ahaansho.
page : 10 of 118
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>