Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
saabley  Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
saabnaan  eeg saaban. ld saab-naansho, saabsanaan, saabsanaansho.
saabnaansho  ld saabnaan.
saabo  Cudur, gaajo, roob iwm berrin wada gaarid. ld saabso.
saabsan  1. Wax saab loo yeelay ahaansho. 2. Ku s.: arrin iwm wax la xiriira ahaansho. 3. ld saaban.
saabsanaan  eeg saabsan. ld saabsanaansho, saabnaan, saabnaansho
saabsanaansho  ld saabsanaan.
saabsasho  ld saabasho.
saabso  ld saabo.
saabuun  (kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.
saabuunayn  Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
saac  1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
saacad  1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.
saacaddiya  Neef si xoog leh loo soo saaro marka la qaadayo qasiiddada digriga.
saaci  Wax soo socda saadaalin.
saacid  Cid u kaalmayn.
saacidid  eeg saacid.
saacin  eeg saaci.
saad  Sii sheegidda la sii sheego wax dhici doona.
saad1  1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj. saadaal  1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros. saadaal
saadaal-cudur  (daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.
saadaali  Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.
saadaalin  eeg saadaali.
saadari  Doonta labadeeda cayaari ee hore xargahooda.
saaddambe  Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.
saaddo  1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.
saadi  Wax dhici doona sii sheegid.
saadin  eeg saadi. ld saadis.
saadis  ld saadin.
page : 2 of 118
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>