Ereyga Maanta: qawadid
sabooloobid  ld saboolid.
saboolow  ld sabool².
sabri  Cid inay samirto gayeysiin. ld samri.
sabrid  eeg sabar². ld sabburid, samrid.
sabrin  eeg sabri. ld samrin.
sabsaab  Qof aad u caqli yar oo aan waxba lagu aamini karin sawaab.
sabti  Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
sabtiye  Qayb ciidamadii fashiistaha ka mid ahayd oo soomaaliya ka jirtey.
sabuubo  Khatar; halis. ld sabuuro.
sabuul  Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.
sabuur  Kutubkii loo soo dejiyey nabi Daa'uud.
sabuurad  Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro.
sabuuro  ld sabuubo.
sac  Neef lo'ah, dheddig oo curtay.
sacab  1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo laysku dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.
sacabbayn  eeg sacabbee.
sacabbee  Sacabbada wax ku qaadid.
sacabsasho  egg sacabso.
sacabsato  Gabar yar oo dibadda ariga ku maasha.
sacabso  1. Ilmo markaa dhashay xab ka dhuuqid. 2. Neef sacab-bada ku maalid.
sacabtumid  eeg sacabtun.
sacabtun  1. Calaacalaha isku dhufasho. 2. Sacab cayaarid.
sacaf1  Timir lafahii iyo gobortii laga gu-ray oo la cajimay. sacaf2  Timir sacaf ka dhigid. sacbi  ld sabci.
sacbin  ld sabcin.
sacbis  ld sabcin.
sacfaraan  Budo hurdi ah oo wax lagu midabeeyo, waxna lagu daweeyo.
sacfid  eeg sacaf².
saciim  Qof wanagsan oo deeq iyo dabeecadba leh.
page : 11 of 118
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>