Ereyga Maanta: bedertami
suuldhabaalee  Suuldhabaale samayn.
suuldhabasho  eeg suuldhabo.
suuldhabo  Far jaawin.
suulgoranyayn  eeg suulgoranyee. ld suulgorayayn.
suulgoranyaysan  Wax si suulgoranyo ah u xiran ahaansho. ld suulgorayaysan.
suulgoranyaysnaan  eeg suulgo-ranyaysan. ld suulgoranyaysnaansho, suulgorayaysnaan, suulgoraya.
suulgoranyaysnaansho  ld suulgo-ranyaysnaan.
suulgoranyee  Hal geel ah suulgoranyo ah u xiran ahaansho; halgeel ah suulgoranyo ku samayn. ld suulgorayee.
suulgoranyo  Hab lagu ciqaabo hal geel si loo oggolaysiiyo in la maalo. ld suulgorayo.
suulgorayayn  ld suulgoranyayn.
suulgorayaysan  ld suulgoranyaysan.
suulgorayaysnaan  ld suulgo-ranyaysnaan.
suulgorayaysnaansho  ld suulgo-ranyaysnaan.
suulgorayee  ld suulgoranyee.
suulgorayo  ld suulgoranyo.
suulgoys  ld suulalgoys.
suuli1  Dhisme yar oo ay gudihiisa ku yaaliin godad lagu saxaroodo laguna kaadsho; musqul. suuli2  S. ah: dhar cudbi ah oo midabyo leh oo dumarku qaato. suuli3  Wax baabi'in. suulin  eeg suuli.
suulis  ld suulin.
suuliyid  eeg suul³. ld suulin.
suumid  eeg suun³.
suummiir  Nooc libaaxbadeedka ka mid ah oo aad u weyn. ld soomiir.
suun1  1. Daliig maqaar ama wax kale ka samaysanoo dhexda lagu xirto si uu dharka u celiyo. 2. Siddada alaabta qaarkeed sida dhiilaha, satiyada iwm lagu qaado. 3. Celiye idiin ah oo gadaal iyo horay kabaha ka haya si aysan u siiban. suun2  1. Ur udgoon. 2. Daal iyo jiirago'safar dheer laga muto. suun3  Wax meel yaal ka qaadid. suunaari  Fardo nugaaleed qurux badan, leh seyn dheer iyo bacroor dheer.
suuncalye  Suun gammaanka lagu dacayo marka xakame la waayo.
suuni  Sabuul yaryar oo ka baxa beer duqowday ama roob yari ku da'ay.
page : 114 of 118
<< < 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 >