Ereyga Maanta: sibirayn
suxulduub2  1. Iyadoo gacmuhu laaban yihiin ordid. 2. U s.: wax qabashadooda u ordid. ld xusulduub². suxulduubid  eeg suxulduub². ld suxuulduub¹ (2), xusulduubid.
suxursaaxur  S. ah: qof qaawan oo aan oogadiisa wax dhar ahi saarnayn.
suxuun  eeg saxan¹.
suxuur  Bisha soonqaad cuntada dadka soomaa cunaan marka waagu soo dhow-yahay; hiraab.
suxuurad  ld suxuurasho.
suxuurasho  eeg suxuuro. ld suxuu-rad.
suxuuri  Cid suxuur siin.
suxuurin  eeg suxuuri.
suxuuro  Suxuur cunid.
suyac  ld suyuc¹.
suyuc1  Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. ld suyac. suyuc2  Wax la huuriyey ur xun yeelasho. suyucid  eeg suyuc².
suyucsan  Wax suyucay ahaansho.
suyucsanaan  eeg suyucsan. ld suyuc-sanaansho.
suyucsanaansho  ld suyucsanaan.
page : 118 of 118
<< < 113 114 115 116 117 118