Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
saajacnimo  Saajac ahaansho.
saajin  Askari derejediisu saddax alif tahay.
saaka  Maalinta la joogo subaxeeda. ld saakay.
saakay  ld saaka.
saakuun  Maalinta saaddambe xigta.
saalaweyneeye  Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.
saalaxweetee  Badeeco aan badnayn hadba meel la tegid.
saalaxweeteyn  eeg saalaxweetee.
saalaxweeto  1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.
saalimo  Midab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.
saalimow  Hangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.
saalo  Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.
saaloo  Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
saalood  eeg saloo.
saam  Kaltanka heeganka.
saamaan  ld saabaan.
saamaggade  Cayayaan yaryar oo lugo badan leh iyo midab caddaan xigeen ah oo tiro badan u wada socda.
saamajiid1  Si caajis iyo itaaldarro ku jirto oo loo socdo. saamajiid2  Si caajis iyo itaaldarro ku jirto u socosho. saamajiidid  eeg saamajiid.
saamax1  Dhaafidda laga dhaafo dembi ama deyn cid qabtay. ld saamaxaad. saamax2  Wax xun oo cid fashay ama loo haystay ciqaabtii ay mutaystay ka cafin. saamaxaad  ld saamax¹.
saamayn  eeg saamee. ld saamays.
saamays  ld saamayn.
saamee  1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn.
saami1  1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹ saami2  (xis.) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x. saami3  Wax sida loo kala leeyahay u qaybin. saamiggal  (xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujin karaa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.
page : 4 of 118
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>