Ereyga Maanta: fullaacsan
taas1  (kuwaas, w) ld taa¹. taas2  Dibkabe tilmaame oo magac dhaddig dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Beertaas waa tayda”. ld taa². taawe  ld taawo¹ (1).
taawi  1. (f.g) Wax malayn. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku taamid. ld taawil.
taawil  ld taawi.
taawilid  ld taawin.
taawin  eeg taawi. ld taawilid, taawo².
taawo1  1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela. taawo2  ld taawin. taayada1  (kuwayaga, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Taayada lama taaban ka-ro”. taayada2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. ld tayo². taayar  Lugaha baabuurta.
taayo  ld taayada².
tab  1. Xeelad wax lagu qabto. 2. Hab; nidaam; qaab. 3. Caano lo'aad oo caloosha ku adkaada oo aan si fiican loo matagi karin.
tabaabulayn  eeg tabaabulee. ld tabaabulo, tabaabulshayn, tabaabu-lyayn.
tabaabulo  ld tabaabulayn.
tabaabulshayn  ld tabaabuleyn.
tabaabulshee  ld tabaabulee.
tabaabulyayn  ld tabaabulayn.
tabaabulyee  ld tabaabulee.
tabaabulyo  ld tabaabulayn.
tabaabulyo tabaabulee  Wax qabanqaabin ama agaasimid. ld tabaabu-shee, tabaabulyee, tabaabushee.
tabaabushayn  ld tabaabulayn.
tabaabushee  ld tabaabulee.
tabaabusho  ld tabaabulayn.
tabaadi  Neef buuran, cayilan, shilis.
tabaako  ld tubaako.
tabaalac1  Daal badan. tabaalac2  Socod badan daal kala kulmid. tabaalacsan  Wax tabaalac hayo ahaansho (cid).
page : 6 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>