Ereyga Maanta: fullaacsan
tuug3  Wax baryid; yaboohsasho. tuugannimo  Tuug ahaansho. ld tuugnimo.
tuugid  eeg tuug². ld tuugmo.
tuugmo  ld tuugid.
tuugnimo  Tuug ahaansho. ld tuugannimo.
tuugo  1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.
tuugsad  ld tuugsasho.
tuugsasho  eeg tuugso. ld tuugsad, tuugsi.
tuugsi  ld tuugsasho.
tuugso  Cid sadaqo weyddiisasho.
tuugtamid  eeg tuugtan². ld tuugtan¹.
tuugtan1  ld tuugtamid. tuugtan2  Si aad ah wax u baryid. tuuji  1. Wax jilicsan oo diismaya calaacasha iyo faraha ku dhuujin si dheecaan iwm looga keeno. 2. Ooga bugta ama daallan daliigid ama rixid.
tuujin  eeg tuuji.
tuujis  (c.nafl.) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.
tuul1  ld tuur¹. tuul2  ld tuur³. tuulan  ld tuuran.
tuulid  ld tuurid.
tuulimaad  1. (taar.) Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolan karto, amase, ay nafley du ku nooshahay. 2. (jool.) Dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tus. “Webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh”.
tuulimaad-badeed  (jool.) Tuulimadyada la dhigo meelaha bad weynnada ama harooyinka guntooda badweynnada ugu hooseeya,waxyaabaha la tuulay asalkoodi waxay ka yimaadeen haraayaal yaryar oo ka haray noole hore ugu oolaan jiray qaybtaa badda ama harada ee uu ka dhacay tuulimaadku.
tuulimaad-mool  (jool.) Maatarka adag ee daboola gebiska gobolka ugu hooseeya ee badda.
tuulnaan  ld tuurnaan.
tuulnaansho  ld tuurnaan.
tuulo  Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.
tuumi  Wax meel ku uruurin.
tuumin  eeg tuumi. ld tuumis.
tuumis  ld tuumin.
tuunsamid  eeg tuunsan¹.
page : 58 of 60
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 >