Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
tuurre  Nin tuur leh.
tuuryayn  eeg tuuryee. ld tuuryo.
tuuryee  Wax tuuryo isdaba joog ah la dhicid.
tuuryo  ld tuuryayn.
tuutayn  eeg tuutee. ld tuutays.
tuutays  ld tuutayn.
tuutee  1. Cid si wada jir ah wax u yeelid 2. Si degdeg ah u socosho (qof)
tuutuu  Qori shiishka lagu barto oo xabbado af fiiqan dabadana bul ku leh ay ka dhacaan.
tuux  Tirsi loo adeegsado cayaarta delebka.
tuwaal  Maro culus oo duf leh oo marka la qubaysto biyaha kora looga qallajiyo, shukumaan. ld taweel, tuweel.
tuweel  ld tuwaal.
tuxle  1. Qof xan badan. 2. Orod la sameeyo iyadoo la fooraro.
page : 60 of 60
<< < 55 56 57 58 59 60