Ereyga Maanta: dhiifoonaan
tacabsoosar  Miraha ka soo baxa hawl la qabtay.
tacaddi1  Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati. tacaddi2  Ku t.: xad gudub samayn. ld dacati². tacaddin  ld tacaddiyid.
tacaddiyid  eeg tacaddi². ld dacatin, dacatiyid, tacaddin.
tacbaan  ld tabcaan.
tacbid  eeg tacab². ld tabac¹, tabcid, tacab¹.
tacbiir  Hab wax loo jeediyo ama loo qoro.
tacdaar1  (dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. ld tadcaar¹, tamcaar¹. tacdaar2  (dii.) Ku t.: neef duco darteed u qalid. ld tadcaar², tamcaar². tacdaarasho  eeg tacdaaro. ld tad-caarasho, tamcaarasho.
tacdaarid  tacdaar². ld tadcaarid, tamcaarid.
tacdaaro  1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.
tacliimi  Cid tacliin barid.
tacliimin  eeg tacliimi.
tacliin  Aqoon habaysan oo la barto.
tacliinsan  Qof tacliin leh ahaansho.
tacliinsanaan  eeg tacliinsan. ld tacliinsanaansho.
tacliinsanaansho  ld tacliinsanaan.
tacliinxumo  Waxbarasho la'aan.
tacliiq  Faahfaahin laga bixiyo arrin, ra'yi iwm.
tacluus  1. Cudur, bugto. 2. Juucjuuc.
tacshiirad  Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.
tacsi  1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.
tacsiir1  Ganaax. tacsiir2  Cid ganaaxid. tacsiirid  eeg tacsiir².
tacsiyee  U t.: cid laga dhintay hadallo samirsiin ah u jeedin.
tacsiyeyn  eeg tacsiyee.
tadbiir  Maamulidda si fiican wax loo maamulo (lacag, arrin iwm).
page : 10 of 60
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>