Ereyga Maanta: fullaacsan
ummulraaco  ld ummulraac².
ummuur  ld ammuur².
ummuuraysan  ld ammuureysan.
ummuuraysnaan  ld ammuureysnaan.
ummuuraysnaansho  ld ammuureysnaansho.
uneexo  ld aneexo.
unfaxyee  Neef ari ah unfaxyo keenid.
unfaxyeyn  eeg unfaxyee.
unfaxyo  Dhiig ka yimaada neef ari ah oo bilihii ugu horreeyay dhiciyay.
unfo  Qarandi, saddexsulley.
unkad  ld unkasho.
unkamid  eeg unkan¹.
unkan1  Wax la unkay noqosho. unkan2  Wax la unka ahaansho. unkanaan  eeg unkan². ld unkanaansho.
unkanaansho  ld unkanaan.
unkasho  eeg unko. ld unkad.
unkid  eeg unug².
unko  Weel toliddiisa ama caw, harrar iwm falkintooda billaabid.
unkod  ld onkod¹.
unsar  Wasakh yar oo ku jirta weel hoore ku jira salkiisa. ld usar.
untiye  ld yibir.
unug1  Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya. unug2  (baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA. unug3  Unug samayn. unug-dareen-dhaqaaq  (c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.
unug-dareen-wade  (c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
unug-gudeed  (c.nafl.) Unugyada inta u dhaxaysa.
unug-maskaxeedka dhaqaaqa  (c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
unug-waalid  (c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.
page : 7 of 15
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>