Ereyga Maanta: fullaacsan
unugga cad ee dhiigga  eeg liyuukoosayt.
unugga Daaniyal  (fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.
unugyada dhiigga ee cas cas  eeg iritaroosayt.
unugyo badane  Noole ka kooban unugyo badan.
ununush  Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.
unuun  1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
unuungoo  Nafley madaxa ka jarid.
unuungoyn  eeg unuungoo.
unuunuf1  Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. ld anaanuf¹. unuunuf2  Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. ld anaanuf². unuunufid  eeg unuunuf². ld anaanufid.
uq  ld cuq.
ur1  1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun. ur2  1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹. ur3  1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid. uraa  Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.
uraad  Saaca iyo waxtarka daaqu leeyahay. ld urshi.
urdhac  Jihada dabayshu u socoto. ld urdhicid.
urdhicid  ld urdhac.
urduf  Wax tabar daran oo aan muuqaalkiisu fiicnayn.
ureed  (baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
urgumo  Uurkuhayn; cadaawad.
urgun  Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.
uri  1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tus. “Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey”.
urid  eeg ur³.
urin  eeg uri.
uris  Cudur carruurta ka ballaariya madaxa.
uriso  Wax loo akhriyo in laysku nacsiiyo laba qof oo israbta ama is jecel.
urre  Aboorka kiisa labka.
ursad  1. Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo. 2. ld ursasho.
page : 8 of 15
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>