Ereyga Maanta: fullaacsan
ursamo  Dabayshu xagga ay u dhacayso.
ursasho  eeg urso. ld ursad, ursi.
ursato  Cayayaanka jaad ka mid ah oo doorshaanka ka sii yaryar kana fudfudud oo aan wax qaniinin.
urshi  ld uraad.
ursi  ld ursasho.
ursii  1. Wax ur leh cid sanka u saarid. 2. U ursii: nafley wax nacsiin.
ursiin  eeg ursii.
urso  Wax ur leh sanka saarasho.
uruf  U. ah: qof jin yar oo gaaban.
urug  Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
urugo  Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.
urugoo  Tiiraanyo dareemid.
urugood  eeg urugoo.
Uruguay  Uruguay waa wadan oo ku yaalo koonfurta ameerika. wadankaan waxoo xuduud la leeyay Baraasiil iyo Arjantiina. Wadanka waxaa degan dad gaaraayo ilaa 3.4 miliyan oo qof.
urun  Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.
urur1  1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa. urur2  1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur. urur3  Xiddigo dhawr ah oo meel isugu yimaada oo isla socda. urur4  Nafley tiro badan meel isugu imaansho. ld urursan¹. urur shaqaale  (taar.) Urur matala xoogsatada, rabo in uu wax ka baddelo xaaladda nolosha, mushaarada iyo lacagta.
ururi  1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. ld aruuri.
ururid  eeg urur³. ld aruurid.
ururin  eeg ururi. ld aruurin, ururis.
ururis  ld aruurin, ururin.
Ururkii Qaramada  Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.
urursamid  ld ururid.
urursan1  Wax la ururiyay noqosho. ld urur4. urursan2  1. Wax la ururiyey ahaansho. 2. Wax aan kala daadsanayn ahaansho. urursanaan  eeg urursan². ld aruursanaan.
urursanaansho  ld aruursanaan.
page : 9 of 15
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>