Ereyga Maanta: fullaacsan
uumi1  1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad. uumi2  Wax dab ku diirin. uumi saarid  (bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.
uumibax1  1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira. uumibax2  Hoore la kululeeyey qiiq bixid. uumibixid  eeg uumibax².
uumibiyood  Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.
uumid  eeg uun².
uumihoorow  (fiis.) Isbeddelka uumi ama neef ay ku noqoto hoor. Weji-gaddoonkaasi waxa wehesha kul baxa.
uumin  eeg uumi. ld uumis.
uumis  ld uumin.
uumitee  Hilib uumito ka dhigid.
uumiteyn  eeg uumitee.
uumito  Hilib uumi kulul lagu bisleeyey.
uumo  (uuntay, uumatay) Ilaah wax abuurasho.
uun1  1. Wax kastoo Alle uumay. 2. Uumi. uun2  (uumay, uuntay; uumi) Eebbe wax abuurid. uun3  1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”. uunmid  eeg uuman².
uunnaan  eeg uuman³. ld uunnaansho.
uunnaansho  ld uunnaan.
uunrays  Dabagaalle; tukulush.
uunsad  ld uunsasho.
uunsan  1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho.
uunsanaan  eeg uunsan. ld unsanaansho.
uunsanaansho  ld uunsanaan.
uunsasho  eeg uunso.
uunsi  Walxo laysku dardaray oo laysku kariyey, udgoon oo loo qiijiyo in lagu carfiyo jir, dhar ama meel; khumkhum. ld uunsasho.
uunso  Uunsi shidasho.
uur  1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
page : 12 of 15
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 >