Ereyga Maanta: fullaacsan
uurayn  eeg uuree.
uuraysasho  eeg uurayso.
uurayso  Uur yeelasho.
uurbays  Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.
uurdhagax  Qare adag oo aan la jebin karin.
uurdhagaxoobid  eeg uurdhagaxow.
uurdhagaxow  Uurdhagax noqosho (qare).
uurdoox  Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
uuree  1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
uurgubyoo  Tiiraanyo aad ah dareemid.
uurgubyood  eeg uurgubyoo.
uurjiif1  Ilmaha weli uurka ku jira. uurjiif2  (baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso. uurkoole  Magac ay caan ku yihiin herinta ugaarsatada ah, wuxuuna tilmaamayaa in ay yihiin isku uur oo aanay wax kala qarsan.
uurkubaalle  1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
uurkucirroole  Nin xaakiim ah ama waayoaragnimo dheeraad ah leh.
uurkuhar  Ilmo aabihiis dhintay iyagoo uurka ku jira.
uurkujir  Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iwm; uusley.
uurkummaanle  Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
uurkuqaad  Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. ld uurkusiddo.
uurkusiddo  Utun iyo ciil uurka ku raaga.
uurkutaallaysan  Wax uurkutaallo hayso ahaansho.
uurkutaallaysnaan  eeg uurkutaallaysan. ld uurkutaallaysnaansho.
uurkutaallaysnaansho  ld uurkutaallaysnaan.
uurkutaallo  Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
uurkutaalloo  Uurkutaallo dareemid.
uurkutaallood  eeg uurkutaalloo.
uurmaran  Naasley aan uurkeeda ilmo ku jirin.
uuro  1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.
uuroobid  eeg uurow.
page : 13 of 15
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 >