Ereyga Maanta: fullaacsan
uuroowid  (baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.
uurow  Uur qaadid ama yeelasho.
uurqaad  U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da'uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.
uurrays  1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
uursamaan  eeg uursan. ld uursa-maansho.
uursamaansho  ld uursamaan.
uursami  Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.
uursan  Qof uurfiyow ahaansho.
uurweynaad  Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.
uurxaad  Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.
uurxaaran  Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.
uurxaarnaan  eeg uurxaaran. ld uur-xaarnaansho.
uurxaarnaansho  ld uurxaarnaan.
uurxumaan  eeg uurxun. ld uur-xumaansho.
uurxumaansho  ld uurxumaan.
uurxumi  ld uurxumo.
uurxumo  Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. ld uurxumi.
uurxun  Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho.
uuryaal  1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.
uuryaro  Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.
uus  Cunnada nafaqada laga baxay oo ku jirta caloosha iyo xiidmaha (xoolaha daaqa).
uuslaho  ld uusley.
uusley  Caloosha xoolo daaqa; uuskujir. ld uuslaho.
uusmiir1  ld uusmiirid. uusmiir2  Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid. uusmiirad  ld uusmiirasho.
uusmiiran1  Wax la uusmiiray noqosho. uusmiiran2  Wax la uusmiiray ahaansho. uusmiirasho  eeg uusmiiro. ld uusmiirad.
uusmiirid  eeg uusmiir². ld uusmiir¹.
page : 14 of 15
<< < 9 10 11 12 13 14 15 >