Ereyga Maanta: maneysi
ugbaad  1. Dhir roob ku da'ay oo baxday oo aan cidi daaqin. 2. Dhul weli ugub ah.
ugbaadsasho  eeg ugbaadso. ld ugbaadsi.
ugbaadsi  ld ugbaadsasho.
ugbaadso  Qof ugbaad doonasho.
ugbaan  eeg ugub². ld ugbaansho.
ugbaansho  ld ugbaan.
ugeyb  Riyaha intooda jirta sannad ka kor dhalmana aan gaarin.
ugid  eeg ug.
ugnaan  eeg ugan. ld ugnaansho.
ugnaansho  ld ugnaan.
ugu hooseeye1  Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya. ugu hooseeye2  (xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber. ugub1  1. Dhul dihin oo aan weli laga xoojin; cusayb. 2. Naflay dheddig oo aan weli curan. ugub2  Wax aan weli curan ahaansho. ugubi  Shimbir yar oo midabkeeda bey ah oo dhulka uun ku socota.
ugubnimo  Ugub ahaansho.
uguf  Sabuul meseggo, oo qaaday cudur ama biyo la'aan heshay awgeed, oo aan yeelan badar fiican.
ugufaa  Dibi laba jir ah.
ugunji  Liin, bambeelmo.
ugxaan  eeg ugax¹.
ugxanayn  (baay.) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
ugxandhalid  (baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
ugxanside  1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.
ugxanside-yare  (bot.) Qaybta organnada taranka dheddigga ee iniinyaha geedka, taas oo ka kooban bu'da, kiish uurjiif iyo lakab ugxaneedya.
ujeeddo  1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.
ujro  Lacag ama wax kale oo qiimo leh oo shaqo la qabtay lagu bixiyo ama laga qaato. ld ujuuro.
ujuuro  ld ujro.
ukun  Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurkii ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd.
ul  1. (-lo, m.l) Qori dhuuban, geedaha laga goosto oo loo qaato in laysku daafaco ama xoolaha lagu raaco. 2. Lo'tiradeedu boqol (100) gaartay. 3. Tiro lo'ah oo gaar isula soofta.
ulaaxi  Sida neef caato ah oo biyo ka dhergey uu u socdo, u socosho.
page : 4 of 15
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>