Ereyga Maanta: liifmid
weydaarsanaan  eeg weydaarsanaan. ld weydaarsanaansho.
weydaarsanaansho  ld weydaarsanaan.
weydaarsasho  eeg weydaarso.
weydaarso  Wax, wax kale dhaafsasho.
weyddii  1. Qof si jawaab looga halo su'aal u jeedin; warso. 2. Cid wax ka codsasho.
weyddiin  eeg weyddii. ld weyddis.
weyddiis  ld weyddiin.
weyddiisad  ld weyddiisasho.
weyddiisasho  eeg weyddiiso. ld weyddiisad.
weyddiiso  Wax loo baahanyahay cid ka baryid.
weydee  1. Arrin sahlasho. 2. Wax caato ka dhigid.
weydeyn  eeg weydee.
weydhaami  Leexo horay iyo dib u socodsiin.
weydhaamin  eeg weydhaami. ld wey-dhaamis.
weydhaamis  ld weydhaamin.
weydhaan  Warwareegga ay sameeyso leexada.
weydhoomid  eeg weydhoon.
weydhoon  Dad badan meel isugu soo ururid.
weydnimo  Caatonimo; xayeesinnimo.
weydoobid  eeg weydow.
weydow  Nafley weyd noqosho.
weydsan  Nafley weyd ahaansho.
weydsanaan  eeg weydsan. ld weydsa-naansho.
weydsanaansho  ld weydsanaan.
weyl1  Dhasha lo'da keeda lab. weyl2  1. Burcad. 2. (-lo, m.l) Dhasha lo'da teeda dheddig. weylaalis  Hargo badan oo waylo ama ari yaryar laga baxshay oo la isku tolay oo la goglado.
weyladay  Geeso horay caaraddoodu u soo jeeddo (lo').
weyn  1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iwm ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho.
weynaan  eeg weyn. ld weynaansho, weynin.
page : 35 of 40
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >