Ereyga Maanta: fullaacsan
weynaansho  eeg weynow. ld weynaan.
weynbaar  Boorso haween oo harag la xardhay ka samaysan.
weyne  Ilaah; Rabbi.
weynee  1. Wax, wax weyn ka dhigid. 2. Cid qiimo u yeelid. 3. Is w.: wax weyn iska dhigid (qof). 4. Iska w.: qof cid iska sarreysiin. ld weyneysii.
weyneyn1  eeg weynee. ld weyneys, weyneysiin. weyneyn2  (fiis.) Summad M. Cabbirka xaddiga uu qalab obtikaad kordhiyo ama yareeyo xajmiga huumaagga. Waana saamiga baaxadda huumaagga iyo baaxadda walaxda. weyneynsiin  ld weyneyn¹.
weyneys  ld weyneyn¹.
weyneysii  ld weynee.
weyneysiin  ld weyneyn.
weyneyso  (fiis.) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.
weynin  ld weynaan.
weynow  1. Nafley wax weyn noqosho. 2. La w.: wax weyn cid ugu muuqasho. 3. Isla w.: qab iyo kibir isu yeelid. 4. Iskala w.: qof cid iska sarreysiin.
weyrax1  1. Dagaalka xoolaha dhalay (lo') oo ay dagaallamaan kolkay ubadkooda u baqaan. 2. Caro; gedood. weyrax2  Neef xoolo ah oo dhalay markuu dhashiisa u baqo gadoodid. weyraxi  Xoolo ama dad weyrax ka keenid.
weyraxid  eeg weyrax².
weyraxin  eeg weyraxi.
weyraxsan  Dad ama xoolo wax weyraxay ahaansho.
weyraxsanaan  eeg weyraxsan. ld wey-raxsanaansho.
weyraxsanaansho  ld weyraxsanaan.
weysaalo  W. ah: waxyaalo diricnimo muujiya oo qof sameeyo, wacdaro.
weysaqaadasho  eeg weysaqaado.
weysaqaado  Salaad ka hor weysaysasho.
weysaysasho  eeg weysayso.
weysayso  Cid weysa-qaadasho.
weysii  ld waasii.
weysiin  ld waasiin.
weyso  ld weeso.
wicid  eeg wac². ld wicitaan.
page : 36 of 40
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >