Ereyga Maanta: fullaacsan
wicitaan  ld wicid.
wiciyad  Alaabta guriga looga adeegto. ld wiiciyad.
wid  Erey eyga lagu eryo ama qof lagu ihaa-neeyo.
widwid  Dariiq yar oo isku xira guryo ama aqallo isu dhaw; widwide. ld widwide.
widwide  ld widwid.
wif  Erey tilmaama dhawaaqa wax sida wiifowga u wareego.
wiflee  Orod iyo socod tiro badan samayn.
wifleyn  eeg wiflee.
wiglee  Wiglo ciyaarid. ld wilgee.
wigleyn  eeg wilgee. ld wilgeyn.
wiglo  Cod maanseed lagu ciyaaro ciyaarta dhaantada; hirwo. ld wilgo.
wii  Codka wiishka.
wiif  1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.
wiifi  1. Sida wiifowgii u wareegin. 2. Aad u orodsii.
wiifid  eeg wiif.
wiifin  eeg wiifi.
wiiflee  1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.
wiifleyn  eeg wiiflee.
wiifow  1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.
wiig  Muddo toddoba beri ah oo isku xigta; toddobaad; usbuuc; sitimaan.
wiil  1. Inan; kuray; ilmo yar oo lab ah. 2. Adeege; madiidin; qawsaar. 3. Isha birtee-da; wil.
wiilnimo  Carruurnimo.
wiilo  Gabar u saansaan eg wiil.
wiinrif  Nooc dhirta ka mid ah.
wiiq1  1. Bowdada madaxeeda misigta ku jira. 2. Misiqta fiiqeeda. wiiq2  Cid, arrin iwm wax-yeello gaarsiin. wiiqan1  Wax la wiiqay noqosho. wiiqan2  Wax la wiiqay ahaansho. wiiqid  eeg wiiq².
wiiqmid  eeg wiiqan¹.
page : 37 of 40
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >