Ereyga Maanta: fullaacsan
waantow  1. Qof wax waano qaatay noqosho. 2. Ka w.: wax aad samayn lahayd oo xumaani ku jirto ka noqosho.
waanwaan  1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
waaq  Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. ld waq.
waaqdhaacin  Xoolo farabadan oo alla-bari ahaan loo qalo.
waaqla'  W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.
waaqlayn  eeg waaqlee.
waaqlee  Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.
waaqsasho  eeg waaqso.
waaqso  Ka w.: dhib ama waxyeello hore ka so kabasho.
waar1  Cabbir dhererka lagu cabbiro oo la mid ah seddax cagood ama soddon iyo lix hiish ama 0.914, mitir. waar2  ld waryaa. waar3  1. Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan. 2. Wax muddo dheer jirid. waaran  1. Warqadda lagu oggolaado lacag la doonayo in la bixiyo. 2. Warqad maxkamaddu ku oggolaato qof in la xiro ama in wax la baaro.
waaray  Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
waardiye  Qof xafiis, guri iwm ilaaliya; ilaaliye.
waari1  Sheekada haabeenkii lagu soo jeedo, dhafar; dabjeex. waari2  1. Waar ku cabbirid. 2. Wax waaro ka dhigid. waarid1  ld waalid¹. waarid2  waar². ld waaris. waarid3  Soo w.: badeeco dibadda ka keenid. waaridid  eeg waarid³.
waaridnimo  ld waalidnimo.
waarig  ld waariko.
waariko  Jaad likaha ka mid ah oo badanaa dundumooyiinka agtooda ka soo fuuro; barkiwaraabe. ld waarig.
waarikow  Shaah aan sonkor lahayn.
waarin  eeg waari².
waaris  ld waarid².
waarri  Socod aayar ah oo lugaha la kala fogeeyo cudur dartii socosho.
waarrin  eeg waarri.
waasac  W. ah: aan ciriiri ahayn, wax badan qaada, ballaaran.
page : 5 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>