Ereyga Maanta: fullaacsan
waashman  Gogle; ilaaliiye.
waasici  Wax ballaaran oo aan ciriiri ahayn ka dhigid.
waasicin  eeg waasici.
waasii  Cid wax ay heli lahayd gefsiin. ld weysii.
waasiin  eeg waasii. ld weysiin.
waat  (fiis.) Summad W. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee awoodda, waxana loo qeexaa awood le'eg hal juul halkii seken (Juul/seken).
waawaray  Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.
waax  1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.
waaxayn  eeg waaxee. ld waaxyayn.
waaxaysasho  eeg waaxayso.
waaxayso  1. Wax afar meelood u kala qaybsasho. 2. Wax qaybo isla eg ka dhigasho. ld waaxyeyso.
waaxee  Wax afar meelood u qaybin. ld waaxyee.
waaxid  1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.
waaxyayn  ld waaxayn.
waaxyee  ld waaxee.
waaya-arag  W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.
waaya-aragnimo  Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.
waayadii dhexe  (taar.) Wax la xiriira waqtayadii dhexe intii u dhexeeysay 1100 Ciise kaddib gaar ahaan taarikhada Yurub.
waaye  ld weeye.
waayee  Ilmo si uu u seexdo ruxid.
waayeel1  Qof fil weyn ama wax garad ah. waayeel2  ld waayeelow. waayeelid  ld waayeeloobid.
waayeelnimo  Waayeel ahaan.
waayeelow  Waayeel noqosho.
waayeyn  eeg waayee.
waayid  eeg waa². ld waayis.
waayir  Xarig macdan ah; silig.
waayis  ld waayid.
waayo1  1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.
page : 6 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>