Ereyga Maanta: fullaacsan
wacadqabe  Qof wacad u galay ka baxay oo inkaar qaba.
wacal1  Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹. wacal2  Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel². wacalnimo  Wacal ahaansho.
wacan  1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ugu w.: sabab u ahaansho (wax).
wacanri  ld wacaari.
wacays  Samaan; wanaag.
wacdaro  Wax la yaab leh.
wacdi1  Waano; hanuunis. wacdi2  Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin. wacdin  ld wacdiyid.
wacdiyid  eeg wacdi². ld wacdin.
wacnaan  eeg wacan. ld wacnaansho.
wacnaansho  ld wacnaan.
wacyi  Heerka fahamka nolosha bulshada.
wacyigelin  Heerka fahamka nolosha bulshada kor u qaadid, khordin.
wad1  1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”. wad2  ld wed¹. wada  1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.
wada noolaansho  Isdhex gal ka dhex dhaca laba xayawaan ama laba sinji oo geedo ah, kuwaas oo wada nool, oo mid kamid ahi isdhex galkooda ka faaidaysanayo, ka kalena wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn.
wadaad  Nin diinta islaamka wax ka bartay kuna camalfala oo dhowrsan.
wadaaddee  Wadaad iska dhigid ama isu ekeyn.
wadaaddeyn  eeg wadaaddee.
wadaadnimo  Wadaad ahaansho.
wadaag1  Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn. wadaag2  La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho. wadaage  1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).
wadaagid  eeg wadaag².
wadaaji  1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.
wadaajin  eeg wadaaji.
page : 8 of 40
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>