Ereyga Maanta: fullaacsan
wadaal  1. W. ah: la socoshada neef labi neef dheddig oo orgeysan raaco ama ka hari waayo. 2. Xoolo tirsan oo gooni loo wado.
wadaali  1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.
wadaalin  eeg wadaali.
wadaamaggoys  ld wadaamaggoysyo.
wadaamaggoysyo  Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.
wadaamagooye  (c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.
wadaamaqubo  ld wadaamaggoysyo.
wadaamaxoor  ld wadaamaxooro.
wadaamaxooro  Wadaamaggoys. ld wadaa-maxoor.
wadaan  Weel harag, cinjir iwm ka samaysan oo gadaw iyo daddoobbo leh oo inta dawlis lagu xiro ceelasha lagu shubo ama biyaha loogala soo baxo.
wadahadal1  Dood dhex marta laba qof ama ka badan. wadahadal2  Laba qof ama ka badan dood isweydaarasho. wadahadalsii  Laba qof ama in ka badan in ay wadahadlaan isu keenid.
wadahadalsiin  eeg wadahadalsii.
wadahadlid  eeg wadahadal².
wadajir1  Wax wada socda. wadajir2  1. Xisaab laba tiro ama ka badan oo laysku daray waxa ka soo baxa. 2. Naxwo, hal wax ka badan. wadar1  Tiro ama in mid ka badan. Tus. “W. iyo waaxid”. wadar2  (xis.) Jawaabta la helo marka laba ama dhawr tiro ama xaddi la isugeeyo. wadar3  (nax.) Lidka ereyga kelid ah. wadar-xigsineed  (xis.) Wadar xigsineedka fansaar ee dhawr doorsoome, f(x1, x2, x3,...) waa fansaarka ku siinaya wadarta tibxaha (df/dx2) dxi taas oo i ay u dhexayso 1 ilaa n.
wadasho  eeg wado.
wadataal  ld wadayaal¹.
wadayaal1  Dad isku xeer ah oo degaan si nabadgelyo ah ugu wada nool. ld wadataal. wadayaal2  1. Xiddo. 2. Xirmo furayaal ah. wadci  Sida lagu sugan yahay; xaalad; sah.
waddac1  1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur. 2. ld waddacid. waddac2  1. (f.g) Cid sagootiyid. 2. (f.mg) Adoo dabbaalanaya mowjad is raacin. waddacid  eeg waddac². ld waddac¹.
waddaddacoobid  ld watatacoobid.
page : 9 of 40
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>