Ereyga Maanta: biqil
waddaddacow1  ld watatacoobid. waddaddacow2  ld watatacow². waddan  Dhul leh xuduud, xukun iwm oo u gaar ah.
waddani  Qof waddankiisa aad u jecel.
waddaninnimo  Waddani ahaansho.
waddaniyad  Jeclaan siyaasadda madax-banaan ee dalka.
waddar1  ld waddarid. waddar2  1. Cid si khayaano ama xoog badan ku dilid. 2. Ambin; luggoyn. ld wedder². waddarid  eeg waddar². ld waddar¹, wedder¹, wedderid.
waddayn  eeg waddee.
waddaysan  1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.
waddaysnaan  eeg waddaysan. ld waddaysnaansho.
waddaysnaansho  ld waddaysnaan.
waddee  1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.
waddo  Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
waddo-caanood  Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.
waddo-dhaan  Dhabbaha dhaanku maro.
waddo-halaq  Waddada ay maraan xamaaratadu.
waddo-hunguri  ld waddo-caanood.
waddoohiye  W. ah: jid aad u ballaaran ama aad loo maro.
wade  1. Qof baabuurta wadi yaqaan. 2. Meel dad badan isugu yimaadaan, ninka dadka gaarsiiya hadalka qofka hadalka jeedinaaya.
wadeecayn  eeg wadeecee.
wadeecee  1. Wax waxaan Ilaahay mooyee cid kale ilaalinayn ka dhigid. 2. Wax dayicid.
wadeeco  1. W. ah: wax Ilaahay mooyee aan cid kale ilaalinayn. 2. Wax la dayacay.
wadeecoobid  eeg wadeecow.
wadeecow  Wax wadeecoobay noqosho.
wadey  Jaal; saaxiib; rafiiq.
wadid  eeg wad.
wadiiqo  Jid yar, dhuuban oo gaaban.
wadki-arag  Cantalyaa, coomaadi. ld wedki-arag.
page : 10 of 40
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>