Ereyga Maanta: fullaacsan
waaberi  ld waabbari.
waabi  1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin.
waabid  eeg waab².
waabin  eeg waabi.
waabis  Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
waabjiif  Qof buka oo waab jiifa laguna daaweeyo.
waabnaan  eeg waaban. ld waabnaansho.
waabnaansho  ld waabnaan.
waabo  1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.
waaceensasho  eeg waaceenso. ld waaceensi.
waaceensi  1. Doonidda qof doonayo in uu aarsado. 2. ld waaceensasho.
waaceenso  1. Cid wehel, garab iwm ka dhigasho. 2. Aanayso.
waaciidsasho  eeg waaciidso. ld waaciidsi.
waaciidsi  ld waaciidsasho.
waaciidso  Cid kaalmaysasho.
waadi  Tog engegan oo kolka roob da'o kaliya biyo qaadaan.
waaf  (c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.
waafaji  Laba arrimood oo kala duwan is haleeshiin. Tus. “Labadaas arrimood is waafaji.”
waafajin  eeg waafaji.
waafaq  1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.
waafaqid  eeg waafaq.
waafaqsan  Wax, wax kale raacsan ahaansho.
waafaqsanaan  eeg waafaqsan. ld waafaqsanaansho.
waafaqsanaansho  ld waafaqsanaan.
waafi  W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.
waag1  Socod badan oo wax lagu baadigoobayo. waag2  Socod badan samayn iyadoo wax la baadigoobayo. waageer1  ld maageer¹. waageer2  ld maageer². waageeran  ld maageeran.
page : 2 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>