Ereyga Maanta: biqil
wadnabbaab1  Dhicid iyo miyirdoorsan yar oo tabarxumo ama dhiigyaridu sababto. wadnabbaab2  Baahi ama tabar yaro darteed la diidid. wadnabbaabid  eeg wadnabbaab².
wadnafow  ld wadnafug.
wadnafug  Cabsi aad u badan. ld wadnafow.
wadnala'  Qof cabsi badan ahaansho.
wadnala'aan  eeg wadnala'. ld wadnala'aansho.
wadnala'aansho  ld wadnala'aan.
wadnaqabad  1. W. ah: qof aad u dhib badan oo la karaahiyaysto. 2. ld wadnaqabasho.
wadnaqabasho  eeg wadnaqabo. ld wadnaqabad (2).
wadnaqabo  1. Cid wadnaha xanuunayaa ahaansho. 2. Qof wadnaqabad ah ahaansho.
wadnaysan  Wax dhaawac halis ah qaba ahaansho.
wadnaysnaan  eeg wadnaysan. ld wadnaysnaansho.
wadnaysnaansho  ld wadnaysnaan.
wadne  (c.nafl.) Xubin muruq ka samaysan, hoos ka daloosha oo leh qaab toobineed kuna sugan bartamaha saableyda, afkiisuna uu yaraha bidix u janjeero, ahna xubin dhexaadka dhiigga jirka u gudbisa. ld wadno.
wadne-roor  (daaw.) Garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
wadne-wareen  (daaw.) Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
wadnejoogsi  (daaw.) Joogsashada garaca wadnaha oo badanaa dhacda marka muruqyada bilaabaan inay si dhakhso badan u garaacaan dhiigna ayan soo saareyn (fibrilleshin) ama wadnahuba joosado.
wado  1. Xoolo, dad, gaadiid iwm kaxaysasho. 2. Hawl la qabanaayey sii fulin.
wafdi  Dad maamul ka mus'uul ah oo meel loo diro. ld wefdi.
wagaafyo  ld dalab².
wagan  1. Koox fardo ah oo meel wada jooga. 2. Xayn; koox.
wagarad  Suun kooraha fardaha docdiisa ka laadlaada, oo inta hoos iyo faraska boggiisa la soo mariyo, kooraha docdiisa kale afka loo suro ama si kale oo xoog leh loogu xiro, oo kooraha xejiya. ld wegered.
wagaradee  Wagaradka u xirid ama giijin (faras). ld wegeredee.
wagaradeyn  eeg wagaradee. ld we-geredeyn.
wagdo  Qaabxumo yar oo lugaha gasha oo ay gedow ama labo qaanso oo afafka isku haya oo kale u ekaadaan. ld hogfo, wegdo.
wah  Erey dareen oo yaabka tilmaama.
wah1  1. W. dheh: ballaqmid. 2. W. ka sii: wax ballaqid (albaab). wahab  1. Qabow qoyaan reeba oo habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad. 2. Culays qof hurda fuula oo uu la kici waayo; habbiso.
wahan1  Welwel.
page : 11 of 40
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>